Skip to main content

Posts

Featured

Diyaarad goordhow kusoo dhacday Muqdisho & Xog lama filaan ah oo laga helayo

Diyaarad nooca aan duuliyaha laheyn, ee loo yaqaano “Drone”, ayaa goordhaw waxay ku dhacday duleedka magaalada Muqdishu, ee Caasumadda Somalia. Goobj-jooge ayaa inoo xaqiijiyay in Diyaaradda Drone-ka ah ay ku dhacday meel ku dhaw deegaanka Garasbaaley, oo katirsan degmada Deyniile, ee gobolka Banaadir. Ciidamada amaanka dowladda Federaalka Somalia iyo dad badan oo shacab ah ayaa durba gaarey goobta ay ku burburtay Diyaaradda, waxaana halkaasi laga soo qaadey haraadiga Diyaaradda Drone. Ma jirto wax khasaaro ah oo ka dhashay burburka Diyaaradda, maadaama ay ahayd nooca aan cidna wadin, ee loo adeegsado howlgalaha basaaska ah. Wali lama oga dalka laga leeyahay Diyaaradda, balse Ciidamadda Mareykanka ee ku sugan Somalia ayaa inta badan adeegsada Diyaaradaha Drones-ka, oo ay ku basaasaan deegaanada Al Sh abaab

Latest Posts

Labo nin oo Soomaali ah oo xalay lagu dilay dalka South Afrika

5 Best Websites to Download eBooks Free 5 website oo buugaag lacag la'aan aad ka heli karto

21-Gobol oo katirsan Dalka Mareykanka oo lagu soo rogay Xaalad Deg Deg Ah(Daawo Sawirada Dhibka heesta

XAFLADDA DHAARINTA XUBNAHA CUSUB EE BAARLAMAANKA

Codaynta xildhibaanada ee guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland oo bilaabatay.

Baro C language

Horumarka Waxbarashada Wadankeena