Gobolo katirsan Dalka Mareykanka waxaa ka jira Xaalado adag iyadoona 21-Gobol oo katirsan Dalkaasi lagu soo rogay Xaalad Deg deg ah kadib markii uu ku dhuftay Qabowgii ugu darnaa Mudo sanado ah.
Ku dhawaad 10-qof ayaa ku dhintay Qabow daran iyo Dabeylo isla socda oo ku dhuftay qeyb kamid ah Mareykanka, iyadoona Dabeylaha iyo Qabowga Barafka gaaray ay wali dhibaatooyin ku hayaan Qeybo badan oo kamid ah Dalkaasi.
Gobolo katirsan Dalka Mareykanka ayaa heerka Qabowgu waxa uu gaaray -28-Digree , waxaana lasoo sheegayaa in Magaalooyin badan oo dalkaasi ay biyihii isku badaleen baraf qabow owgiis.
Magaalada New Yourk iyo Magaalooyin kale oo Dalka Mareykanka katirsan ayaa hakad la galiyay Duulimaadka Diyaaradaha iyo Gaadiidka kadib markii meel kasta ay xireen Baraf xili qabowga Dalkaasi kajira uu dhaafay heerkii qiyaasta.
Shacabka Mareykanka ayaa loogu baaqay in ay guryahooda ku nagaadaan inta xaalada ay iska badaleyso , waxaana ugu daran Magaalooyinka uu qabowga daran iyo Duufaanta wada socoto kudhufteen Magaalooyinka kuyaala Xeebaha Waqooyi Bari Dalka Mareykanka sida New Yourk, Boston, New Jersey ,iyo Chicago.
Comments
Post a Comment