Horumarka Waxbarashada Wadankeena
Markasta oo la damco in la higsado
hormar waxaa haboon in la isla qiro wadada kaliya ee lagu gaari karo
hormarka loo hamuunka qabo in ay tahay waxbarasho oo kaliya , runtii
faa’iidada ay waxbarashada u leedahay qofka bani aadamka ah ma ahan
mid lagu soo koobi karo maqaal iyo wax la mid ah , sidoo kale waxaan si
fudud u sharixi karnaa waxa ugu wayn ee ay waxbarashadu keeni karto in
ay tahay hormar dhinac maskaxda ah oo ah runtii waxa ugu qaalisan ee
uu qofku heli karo. dhamaan noocyada kale ee hormarka waxaa sal iyo
asaas u ah hormarka maskaxda.oo hadii la waayo ay aad u adkaan doonto in
lagu riyoodo wax uun hormar ah .
Dhamaan umadaha dunida ku nool waxay ku
sugan yihiin xaalado aad u kala duwan oo dhanka nolosha ah , sidoo kale
waxaan ognahay in dunida maanta ay u qaybsan tahay labo qayb oo
waxkasta ku kala duwan , waana dunida hormartay iyo dunida
danbaysa..xaqiiqda dhabta ah ee dunida u kala qaybisay sidaas ayaa
ah waxbarashada.. wadama aadka looga qadariyo waxbarashada waxay gaareen
hormar la taaban karo halka wadama aan laga danayn waxbarashada ay
yihiin kuwa aad u danbeeya marka dhinac kasta laga eego.si la mid ah
sidaas waxaa aad ku kala duwan dadka waxbarta iyo kuwa aan marna qiimayn
waxbarashada.
Arinrta ugu wayn ee waxbarashada laga
dhaxli karo ayaa ah sida aan sheegnay hormar dhinaca maskaxda ah oo ah
furaha farxada nolosha , qofku wuxuu nolol sharaf ah oo farxad ay ku
dheehantahay heli karaa marka uu barto xirfad uu ku shaqaysan karo .
sidoo kale dal wuxuu hormari karaa oo kaliya marka ay jiraan dadkii
hormarin lahaa, dadkuna waxba ma ay qaban karaan hadii aysan jirin
aqoontii ay wax ku hormarin lahaayeen , waana taas sababta kaliya ee uu
dalkeeni soomaliya uga bixi la’yahay burburka mudada ku dhow 20 ka sano .
Aqoondaridu ama jahliga ayaa ah cadowga
ugu wayn ee uu qof yeelan karo inta uu noolyahay , jahligu wuxuuj qofka u
diidaa markasta in uu ka fakaro waxa dantiisa ah , sidoo kale aqoon
la’aantu waxay dadka dhaxalsiisa in ay garan kari waayaan siyaabaha
fudud ee loo noolaan karo . markasta oo uu jahligu bato waxaa aad u
adkaada nolosha, sidoo kale waxyaabaha laga dhaxlo aqoon la;aanta waxa
ugu daran in dhamaan dadku ay ku mashquulaan wax aan marnaba dan ugu
jirin,. sida in lagu xiiqo wax aan la fahamsanayn.
Hadii aad u kuur gashid dhamaan dalalka
gaaray hormar la taaban koro , waxaa kuu soo baxaya in ay waqti iyo
hanti badan galiyeen sidii ay wax ku baran lahaayeen , tusaale ahaan
dalkan aan ku noolnahay ee Kenya waxay dadkiisu aad u qadariyaan
aqoonta , waana taas sababta ay Kenya u noqotay dalka ugu hormarsan
dalalka geeska Afrika ku yaal .dad badan ayaa aaminsan in sababta ugu
wayn ee ay soomaliya u burburtay ay tahay aqoon dari ku habsatay dadka
intiisa badan , waana dood gar ah oo xaqiiqda u dhow marka aad fiirisid
taariikhda dalalkii soo maray burburka. Mararka qaar waxaa dhici karta
in colaado sokeeye ay si kadis ah dal uga qarxaan , balse aqoon la’aanta
ayaa keenaysa in nolosha burburka loo arko in ay tahay wax iska caadi
ah oo la iskaga sii jiri karo intii la rabo , waana sida haysata
dalkeena soomaliya oo ah runti dal aad u qiimo badan marka la fiiriyo
qayraadkiisa dabiiciga ah .
Waxaan kaloo dhihi karnaa hormarka
ugu muhiimsan ee uu qofku ka dhaxli karo waxbarashada ayaa ah xoriyad
xaga maskaxda ah . qof kasta oo aqoon leh waxuu sameen karaa fakar uu u
madax banaan yahay halka qofka aqoontiisa ay liidatouu ku tiirsanyahay
marwalba fakarka ama aragtida dadka kale. Sidoo kale qofka aqoonta leh
wuxuu si sahlan ku curin karaa aragti ama fikrad hormarin karta nolosha
dadka guud ahaan ama noloshiisa gaar ahaaneed .
Aqoonta dhabta ah waxay dadka siisa
kalsooni buuxda , kasloonidana waxay qofka u fududaysaa in uu si
hagaagsan u guto waajibaadka ka saaran nolosha . sidoo kale aqoon
la’aantu waxay ku beertaa nafsada qofka in uu ka baqo wax kasta oo ku
cusub noloshiisa, taaso mararka qaar laga yaabo in uu kala horyimaado
waxkasta oo hormar keeni kara diidmo iyo baqdin is barkan . fariinta ugu
wayn ee ay aqoontu xanbaarsan tahay ayaa ah isbadel dhinac kasta ah oo
taabanaya qaabka loo noolyahay markaas . markasta oo ay aqoontu kororto
waxaa badanaya isbadalka xaga nolosha ah. Markasta oo uu isbadel jiro
waxaa fududaanaya in la hormaro .
Waxbarashadu ayaa ah hanitida kaliya ee
ay dhalinyardu dhaxli karaan si ay u sii hormariyaan nolosha markaas
lagu sugan yahay , hadii ay dhalinyaradu dhaxlaan jahli ama aqoon daro
waxaa mugdi aad u wayn galaya mustaqbalka dalka , waana taas sababta
markasta dunida looga digo in dhalinyaradu ay aqoon la’aan noqdaan
,balse dhalinyarada soomaaliyeed waxay dhaxleen jahli daran oo sababay
in mustaqbalkooda uu mugdi galo.
Aqristaha sharafta leh wuxuu is waydiin
karaa waxbarasho noocee ah ayaa lagu hormari karaa, hadii aan si fudud
uga jawaabno su’aashaas waxaa malaha lagu soo koobi karaa in nooc kasta
oo waxbarasho ah ay kaalin wayn ka ciyaari kartto hormarka aynu u
baahanahay . sidoo kale hormar dagdag ah malahayga waxaa keeni kara
anagoo ubadka iyo dhalinyarada siina fursado ay ku baran karaan cilmiga
ay markaas jecelyihiin in ay bartaan ama maadooyinka ay ku
fiicanyihiin.

Comments
Post a Comment