Codaynta xildhibaanada ee guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland oo bilaabatay.

Waxaa hada si toos ah u bilowday doorshada guddoomiyaha Baarlmaanka Puntland oo ay u sharaxan yihiin ilaa 5 Musharax, waxayna xoghaynta iyo guddiga qaban qaabada doorshada ay xildhibaanada u akhriyeen qaabka ay codaynta u samaaynayaan.
Musharaxiinta guddoomiyaha Baarlamaanka waxay kala yihiin:-
  1. C/rashiid Maxamed Xirsi
  2. Maxamed Cali Guuleed
  3. Siciid Xasan Shire
  4. Axmed Cali Xaashi
  5. C/xakiim Maxamed Axmed
Waxaa si rasmi ah xaadir ugu ah xarunta Baarlamaanka Puntland ee magaalada Garowe 66-dii xildhibaan ee baarlamaanka waxaana si dhamaystiran u buuxa Kooranka ay doorashadu ku dhici lahayd.
Dhinaca kale waxaa si heer sare ah loo adkeeyay Amniga goobta ay doorshadu ka dhacayso waxaana dhinayada uga hareeraysan xarunta baarlamaanka Ciidamo aad u farabadan oo ka tirsan kuwa Amniga Puntland.
Gudaha xarunta Baarlamaanka Puntland ee ay doorashadu ka socotana waxaa ku sugan saraakiisha ugu saraysa Ciidamada gaar ahaan kuwa guddiga Amniga ee xilliga doorshada Puntland.
Saraakishu waxay si toos ah ula socdaan habka ay doorashadu u dhacayso iyo habsamid loo daadihinayo, waxay kaloo isha ku hayaan amniga gudaha ee xarunta doorshadu ay ka socoto.
Warbaahinta Puntland qaybaheeda kala duwan iyo Kuwa caalamiga ah ayaa ka hawlgala gudaha xarunta, Waxayna si toos ah intooda badan sida TV-yada, Website-yada iyo Idaacaduhu u tabinayaan dhamaan warbixinada ku saabsan doorshadan iyo sida ay u socoto.
Shirka Golis Telecommunication ayaa fududaysay khadka Internetka iyo Taleefanka ee Warbaahintu ay isticmaalayso waxayna ilaa shalay ku hawlanyd diyaarinta barnaamijkan khadka ee sida tooska ah doorshadan looga tabinayo.

Waxaa gudaha xarunta ku sugan qaar ka mid ah hawlwadeenada Shirka Golis oo la socda hadba wixii ka soo cusboonaada barnaamijkan ay fududaynayaan.
Codaynta Xildhibaanada ayaa hada si toos ah u socota waxaana kadib codaynta la galayaa tirinta Cododka doorshada guddoonmiyaha Baarlamaanka Puntland.

Comments