Diyaarad goordhow kusoo dhacday Muqdisho & Xog lama filaan ah oo laga helayo
Diyaarad nooca aan duuliyaha laheyn, ee loo yaqaano “Drone”, ayaa goordhaw waxay ku dhacday duleedka magaalada Muqdishu, ee Caasumadda Somalia.
Goobj-jooge ayaa inoo xaqiijiyay in Diyaaradda Drone-ka ah ay ku dhacday meel ku dhaw deegaanka Garasbaaley, oo katirsan degmada Deyniile, ee gobolka Banaadir.
Ciidamada amaanka dowladda Federaalka Somalia iyo dad badan oo shacab ah ayaa durba gaarey goobta ay ku burburtay Diyaaradda, waxaana halkaasi laga soo qaadey haraadiga Diyaaradda Drone.
Ma jirto wax khasaaro ah oo ka dhashay burburka Diyaaradda, maadaama ay ahayd nooca aan cidna wadin, ee loo adeegsado howlgalaha basaaska ah.
Wali lama oga dalka laga leeyahay Diyaaradda, balse Ciidamadda Mareykanka ee ku sugan Somalia ayaa inta badan adeegsada Diyaaradaha Drones-ka, oo ay ku basaasaan deegaanada Al Shabaab

Comments
Post a Comment